​Kenya oo waqti ku dartay xiridda xerada Qaxootiga Dhadhdaab

Image

NAIROBI, Kenya- Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay hakinayso d damaca lagu xirayo xerada qaxootiga ee ugu weyn dunida ee Dhadhaab muddo lix bilood ah si loo helo dhaqaale iyo fursad wada tashi dheeraad ah lagu yeesho.

Hadalka kasoo  baxay Wasiirka dalkaas  u qaabilsan arrimaha gudaha Joseph Nkaissery, ayaa lagu sheegay in tallaabadii hore ee celinta qaxootiga waxba iska badalin, balse mudadaas loogu talo galay in xaaladda hadda lagu jiro wax looga badalo, isagoo intaa ku daray in dib u celinta tiro ku dhow 280,000 oo ah qaxooti ku jira xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn - Dhadhaab - ay sii socon doonto.

Nkaissery, ayaa sidoo kale beniyey eedeymo sheegaya in xukuumaddu Kenya ku khasbayso qaxootiga inay dib ugu laabataan dalkooda, isagoo  ku tilmaamay hadaladaas oo ka soo baxay kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda inay yihiin 'dacaayad siyaasadeed'.

Xukuumadda Kenya waxay hore ugu dhawaaqday inay xirayso xeryaha Dhadhaab wixii loo gaaro dhamaadka November ee sannadkan 2016.

Balse, maalin ka hor hay'adda Amnisty ayaa dowladda Kenya ku eedaysay inay qaxootiga ku khasbayso inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, walow xaaladaha Somalia tahay mid halisteeda wadata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM