​Kenya oo ka hadashay weerarkii Kulbiyow

Image

NAIROBI, Kenya- War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Kenya, ayaa looga hadlay dagaal shalay ka dhacay degmada Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose halkaasoo ay ku dagaallameen ururka Al Shabaab iyo ciidamo katirsan Kenya oo weheliyaan kuwa Somalia.

Khasaaraha dagaalkaas ayaa waxaa kasoo baxay warar is-khilaafsan, waxaana ururka Al Shabaab goor hore maalintii Jimcaha shaacisay inay dileen 67 katirsan ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya.

Balse, waxaa warkaas lagu beeniyay qoraalka wasaaradda Gaashaandhiga, waxayna qireen in ciidamadooda laga dilay 9 askari oo kaliya, halka dhaawaca ay ku sheegeen 15 askari.

Waxay sidoo kale beeniyeen in dagaalkaas lagu qabsaday saldhiga ciidankoodu ku lahaayeen Kulbiyow.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in kooxda Al Shabaab weerarkaas looga dilay 70 mintid.

Majirto cid si madax bannaan u xaqiisay weerarkaas, balse xiriiro aan la samaynay dadka deegaanka ayaa sheegaya in mallayshiyada Al Shabaab gacanta muddoo kooban ku hayeen saldhigga iska hor imaadkuna socday in kabadan 90 daqiiqo.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland.

Dadka magaalada waxay kaloo sheegeen in weerarka ay ku dhinteen shan qof oo Soomaali ah oo uu ku jiro Guddoomiyihii degaanka Kulbiyow Maxamed Tooxyare Nuuh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM