Kenya oo muddo kooban hakineysa duulimaadyada ka tegeya Somalia

Image

July 15, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay muddo kooban hakin doonto duulimaadyada diyaaradaha ee ka imaanaya dalka Soomaaliya.

Madaxa Waaxda Xiriirka ee Madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu, ayaa sheegay in tallaabadan loo qaadey sababo la xiriira dhanka ammaanka, maadaama 25ta bishan July uu dalka Kenya booqasho ku imaan doono Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Dowladda Kenya ma caddeyn xilliga sida rasmiga ah loo hakin doono duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya, balse af-hayeenka u hadlay Madaxtooyada kenya ayaa xusay in diyaaradaha Soomaaliya kasoo duulaya aan loo oggolaan doonin inay kasoo degaan garoommada Wilson Airport iyo Jomo Kenyatta International Airport.

Booqashada Obama oo qaadan doonta muddo labo maalmood ah waxay noqoneysaa tii ugu horreysey ee uu ku yimaado Kenya, laga soo bilaabo markii loo doortey Madaxweynaha Maraykanka sanadkii 2008.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM