Kenya oo muddo kooban hakineysa duulimaadyada ka tegeya Somalia

Image

July 15, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay muddo kooban hakin doonto duulimaadyada diyaaradaha ee ka imaanaya dalka Soomaaliya.

Madaxa Waaxda Xiriirka ee Madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu, ayaa sheegay in tallaabadan loo qaadey sababo la xiriira dhanka ammaanka, maadaama 25ta bishan July uu dalka Kenya booqasho ku imaan doono Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Dowladda Kenya ma caddeyn xilliga sida rasmiga ah loo hakin doono duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya, balse af-hayeenka u hadlay Madaxtooyada kenya ayaa xusay in diyaaradaha Soomaaliya kasoo duulaya aan loo oggolaan doonin inay kasoo degaan garoommada Wilson Airport iyo Jomo Kenyatta International Airport.

Booqashada Obama oo qaadan doonta muddo labo maalmood ah waxay noqoneysaa tii ugu horreysey ee uu ku yimaado Kenya, laga soo bilaabo markii loo doortey Madaxweynaha Maraykanka sanadkii 2008.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Madaxweyne La Hadlay Warfidiyeeno Muddo 15 Saacadood ah

Shirka jaraa’id oo aan caadiga ahayn ayaa lagu beegay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda…

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 11:31PM

Trump oo qorsheynaya inuu dhimo Shaqaalaha CIA-da Mareykanka

Wargeyska The Washington Post ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee tabiya qorshahan dhimista shaqaalaha.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 12:48PM