Kenya oo raaligelin ka dalbatay TV-ga CNN

Image

Dowladda Kenya ayaa waxa ay TV-ga dowladda Mareykanka ee CNN ka dalbatay in raaligelin uu ka bixiyo war ay sheegeen oo ahaa, in madaxweyne Obama uu booqanaayo “goob ay argagixiso ay ku xoog badan tahay”.

Obama ayaa la filayaa in habeenka Jimcaha uu soogaaro caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Shacabka Kenya ayaa si caro leh wax uga qoray arrintaasi iyagoo adeegsanaya baraha bulshada sida Twitter ka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Amina Maxamed ayaa waxa ay BBC-da u sheegtay in halista amni darada ee Kenya aysan ahayn mid gaar ah.

Waxa ay tilmaamtay in booqashada madaxweyne Obama ay muujineyso in Kenya ay u furan tahay ganacsiga ayna tahay muraayadda rajada gobolka oo dhan.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM