Kenya oo shaki ka qabta qabaa'ilka Ceelcad

Image

NAIROBI: Guddi loo saarey iney baaris ku sameeyaan dagaalka lagu qaadey ciidamada Kenya oo fadhiga ku lahaa degaanka Ceelcade ayaa bilaabey iney baaris ku sameeyaan weerarkaas xili ay soo baxayaan warar sheegaya iney suurtagal tahay qabaa'ilka halkaas daga tageereen kooxda Al-shabaab.

Warar hordhac ah oo gudigaan soo saarey ayaa sheegaya in qabaa'ila daga degaanka Ceelcade suurgal tahay iney qayb ka ahaayeen diyaarinta dagaalkaan iyo qayb ka qaadashada dilalka lagu sameeyey askarta Kenya "KDF". Degaankaas  ayaa waxaa daga qabiilka Mareexaanka sida warbixntaan qortey.

Xogtaan ayaa sheegeysa in sadex kamid ah askarta Kenya oo lagu qariyey gurri odaaysha degaanka leeyihiin ururka Al-shabaab gacanta ku dhigeen islamrkaana dal-daleen.

"Qabiilka Mareexaan ayaa u arka in ciidamada Kenya tageerayaan qabaa'il kale sida Ugaadeenka, waana midda khasabtey iney tageeraan kooxaha weerarka soo qaadey" sidaas waxa yiri xubin magaceeda diidey oo ka tirsan guddigaan.

Weerarka lagu soo qaadey xerada ciidamada Kenya ee Ceelcad oo dhacey 15 Jan, 2016 ayaa lagu diley ciidamo kor u dhaafaya 100 halka gadiidkii iyo qalabkii kaleba laga qaatey. Qorshaha weerarkaan ayaa xogtaan sheegysa inuu socdey muddo islamarkaana aan la beensan karin in dadka degaanka wax ka ogaayeen.

Guddigaan oo booqdey xerada ku taaley Ceelcad ayaa la filayaa in warbixin siiyaan madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata kuwaasoo laga sugaya iney ka jawabaan su'aalo adag oo shacabka dalkaas iska waydiinayaan sida dagaalkaan u dhacey.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa duqeymo ku sameeyey degaanka Ceelcad iyo guud ahaan gobolka Gedo taasoo sababtey in qabaa'ilka halkaas daga qaylo dhaan ka keenaan dhibka halkaa ska jira.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM