​Kenya oo xabsi u samaynaysa argagixisada

Image

Madaxwyenaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa cadeeyay inay dhisayaan xabsi lagu xiro shakhsiyaadka lala xiriirinayo kooxaha argagixisada gaar ahaan kuwa ka barbar dagaallamaya kooxda Al-Shabaab ee Somalia. 

Kenyatta oo ka hadlay macnaha ka dambeeysa in xabsigan la dhiso ayaa sheegay in lagu yaraynayo afkaaraha xagjiriinta, si aysan ugu faafin maxaabiista kale ee ku xiran dalkaas. 

Madaxweynaha Kenya, waxa kale oo uu sheegay in xabsigan uu yahay mid ku habboon dadka lala xiririnayo dambiyada culus, islamarkaana lagu dhaqan celin karo. 

Xabsigan ayaa lagu shabahay kuwa horay looga dhisay dalalka Sacuudiga, Maraykanka iyo Denmarka, waxuuna dhismihiisu kusoo beegmay xilli kooxda Al-shabaab weeraro ka gaysato gudaha dalka Kenya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM