Kenya oo xabsiga dhigtay dhakhtar Al-Shabaab looga shakiyay

Image

17 Octobar, 2015(GO)-Ciidamada Booliska magaalada Marsabit ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay dhakhtar  lagu tuhunsan yahay inuu xubin ka yahay xoogaga  Al-shabaab ee Somalia, laguna magacaabo Yaqub Cabdi Cumar oo 29-jir asal ahaan ka soo jeeda dalka Somalia.

Dhakhtarka xiritaankiisan ayaa ka dambeysay kadib markii uu booqday isbitaalka ku yaalla Marsabit County Referral, isagoo la socdaan koox dhalinyaro ah oo laga shaki qabo inay ka tirsan yihiin kooxda  Al-shabaab.

Bernard Barasa  oo ah madax barista  danbiyada dagmadda Mersabet ayaa tilmaamay inay raadinayaan saddex ruux oo kale, kuwaas oo  dhakhtarkan ku weheliyay booqashadiisa.

Mr Barasa waxa uu xusay in shakhsigani uu degen yahay magalada Nairobi dhowaanna ku soo laabtay Marsabit si waalidkiis u soo booqdo, isagoona sheegay kooxdaasi isaga la socotay inay weydiiyeen hooyooyinka ku umulay Isbitaalka magacyada u bixinayaan carruurtooda.

Kooxdan ayaa la sheegay in ay u ballanqaadeen waalidiinta inay ku soo laaban doonaan oo hadiyado u keenayaan kahor inta aysan qeybta bukaanka ragga u gudbin.

Xogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa dalkaasi ka gaysta weeraro qorshaysan, waxaana xariga dakhtarku imaanaya xilli shalay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland soo furteen macalimad Isniintii laga afduubtay xeerada qaxootiga ee Xagardheer.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM