​Kenya: Raila Odinga oo ka digay in Qaxootiga la celiyo

Image

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee Cord, Raila Odinga ayaa ka hadlay go'aanka xukuumadda dalkaasi ku doonayso inay ku celiyaan qaxootiga ku jiray xerada Dhadhaab oo ay ku jiraan Qaxootiga ugu badan Africa.

Odinga, oo khudbad u jeedinayay dadka ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegay inay aad u adagtahay waqtigan in dadka Soomaaliyeed lagu celiyo dalkooda iyadoo aan loo ballanqaadin amni ku filan iyo hoy ay dagaan.

"Waad ogtihiin waxa maalin kasta la laayaa ciidamadeena, kawarama dad shacab ah?. Taas waxaa u malaynayaa waa in dil loo kaxaynayo... Kahor intaan qaxootiga la celin waxaa dowladda Kenya mas'uuliyad ka saarantahay qaabkii dadkaasi loogu samayn lahaa hoy, "Ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka Kenya.

Wuxuu dowladda ugu baaqay inay ka laabato fikirkeeda islamarkaana dadkan kasoo cararay dhibaatada iyo amni xumada mudada dheerna ku noolaa dalkaasi aysan ku celin meel aan amnigeedu fadhin.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Kenya ay qorshaynaysay sidii dadka xeradaasi ku jira loogu celin lahaa dalalkooda sababo ay ugu yeereen amni darro kasoo wajahday iyo xaaladdooda oo ku dabo dheeraatay.

Xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa waxaa ku sugan qaxootiga ugu badan caalamka, waxaana ku xaraysan in kabadan 300, 000 Soomali qaxay waqtigii la tuuray hogaamiyihii xukuumaddii Mileteriga Maxamed Siyaad Barre.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM