Kenya: sirdoonka oo ka digey weerar ka yimaada dhanka Al-shabab

Image

March 2, 2015 (GO)- Ammaanka dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyey kadib markii laamaha sirdoonka ee dalkaasi xog hoose ku heleen in ururka Al-shabaab uu qorsheynayo weerar uu la beegsado xarunta barlamanka Kenya ee magaalada Nairobi.

Taliyaha booliska Kenya Samuel Arachi ayaa u sheegay wargeyska The Nation in xogta la helay muujineyso weerar is-miidaamin ah oo loo adeegsanayo gaari kaaso la qorsheeyey in lala beegsado dhismaha barlamanka Kenya.

Samuel Arachi ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen ugu yaraan labo iyo toban qof oo lagu soo eedeeyey inay weerarkaas wax ka ogyihiin xiliganna baaritaan lagu wado.

Al-shabaab oo bishii hore baahisey barnaamij muuqaal ah oo laga diyaariyey werarkii Westgate Mall ayaa ku gooddidey inay kordhin doonto weerarrada ay ka geysaneyso gudaha Kenya ilaa inta Kenya la baxayso ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sidoo kale ku hanjabtey inay weerari doonto suuqyada waaweyn ee ku yaalla dalalka Britain, Canada iyo Maraykanka.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah ciidamada ka socda Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ka wada dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM