Kenya “Taliye ku-xigeenkii Shabaab ee Godo ayaan dilnay”

Image

NAIROBI, Kenya- Saraakiisha ammaanka dalka Kenya, ayaa faah faahin ka bixiyay duqaymo kala duwan oo diyaaradahoodu ka gaysteen gudaha Somalia gaar ahaan gobolka Gedo.

Duqaymaha oo dhacay 25-26 April, 2017 ayaa lagu qaaday dhowr saldhig oo kooxdaas ku lahayd meelo kamid ah gobolka, sida deegaanka War-gaduudo oo ku degmada Ceel-waaq.

Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Kenya, ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in weerarada lagu laayay mallayshiyaad badan oo kooxda Shabaab kamid ah, kuwaasoo ku jiro taliye ku-xigeenkii ururkaas ee Gobolka Gedo.

Sarkaalkaas ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Shangolow.

Kenya ayaa sidoo kale tilmaamtay inay duqaymo ka fuliyeen Koofurta Somalia, waloow aysan faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay.

Ururka Al Shabaab kama hadlin sheegashada Kenya ee taliye ku xigeenkoodii Gedo.

Xukuumadda Nairobi oo kamid ah dalalka ciidamadoodu joogaan Somalia, ayaa inta badan duqaymo ka gaysta gudaha Somalia gaar ahaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM