Kenya “Taliye ku-xigeenkii Shabaab ee Godo ayaan dilnay”

Image

NAIROBI, Kenya- Saraakiisha ammaanka dalka Kenya, ayaa faah faahin ka bixiyay duqaymo kala duwan oo diyaaradahoodu ka gaysteen gudaha Somalia gaar ahaan gobolka Gedo.

Duqaymaha oo dhacay 25-26 April, 2017 ayaa lagu qaaday dhowr saldhig oo kooxdaas ku lahayd meelo kamid ah gobolka, sida deegaanka War-gaduudo oo ku degmada Ceel-waaq.

Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Kenya, ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in weerarada lagu laayay mallayshiyaad badan oo kooxda Shabaab kamid ah, kuwaasoo ku jiro taliye ku-xigeenkii ururkaas ee Gobolka Gedo.

Sarkaalkaas ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Shangolow.

Kenya ayaa sidoo kale tilmaamtay inay duqaymo ka fuliyeen Koofurta Somalia, waloow aysan faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay.

Ururka Al Shabaab kama hadlin sheegashada Kenya ee taliye ku xigeenkoodii Gedo.

Xukuumadda Nairobi oo kamid ah dalalka ciidamadoodu joogaan Somalia, ayaa inta badan duqaymo ka gaysta gudaha Somalia gaar ahaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM