Kenya: Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashada ku celiska

Image

NAIROBI, Kenya - Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta la doortay ka dib doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 26-kii bishan.

Uhuru Kenyatta ayaa helay 98.26 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka hogaamiyaha mucaaradka ee loolanka adag ku hayay uu helay 0.09 boqolkiiba. Laakiin Raila wuu qaadacay doorashada kamana qeybgalin.

Doorashada oo ahayd mid ay qaadeceen mucaaradka waxaa ka dhashay rabshado sababay in ay dad ku dhintaan.
Guddiga doorashada ee Kenya ee IEBC ayaa sheegay in tirada dadka codeeyay ay ahayd boqolkiiba 39.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chabukati ayaa codsaday in aysan rabshado dhicin, qof kastana uu ka qeybgalo amniga iyo kala dambaynta.

Wuxuu tilmaamay in uu ka xun yahay dhibaatooyiinkii dhacay intuu khilaafka taagnaa iyo markii codeynta ay socotay.
Mucaaradka ugu wayn Kenya, NASA oo uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa horey u sheegay in aysan aqbali doonin natiijada ka soo baxdo doorashadan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku adkaystay in doorashadan ay u diyaargaroobeen si ay u noqoto "mid xor iyo xalaal ah."

Balse Mucaaradka ayaa sheegay in aan waxba laga qaban wixii ay ka cabanayeen ee ay diideen oo ka mid ahayd in guddiga uu dib u dhigo doorashada iyo in xubno ka mid ah shaqada laga ceyriyo.

Maxkamad sare ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay doorashadii la qabtay horraantii bishii August ka dib markii qaladaad la sheegay in ay dheceen.

Mucaaradka ayaa maxkamadda geeyay dacwaddaas ka dib markii IEBC ay ku dhawaaqday in Uhuru Kenyatta mar labaad la doortay.

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM