Kenya: ‘Way naga go’an tahay inaan xirno Dhadhaab’

Image

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Janaraal, Joseph Nkaissery, ayaa ku celiyay in dowladdu ay sii wadi doonto tallaabada ay ku xirayso xerada qaxooti ee ugu ballaaran caalamka ee Dhadhaab.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in xeryaha ku yaal waqooyi bari Kenya ay isku qariyaan maleeshiyaadka Al-shabaab ayna ka sameystaan ganacsiyo sharci darra ah. 

Wasiirku waxa uu sidoo kale ku eedeeyay bulshada caalamku in ay ku guuldaraysteen inay kaalmo dhaqaale bixiyaan iyo in ay ballanqaadyadooda oofiyaan. 

Dowladda Kenya ayaa 10 milyan oo doolar u qorshaysay hannaanka dib u celinta qaxootiga kaasi oo bilowday Nofeembartii la soo dhaafay. 

Waxaa horay u jiray heshiis saddex geesood ah oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. 

Heshiiska ayaa dhigaya in aanan cidna xoog dib loogu celin karin Soomaaliya. 

Tan iyo markaana ilaa iyo 10 kun oo qaxooti ah ayaa iskood dalka ugu laabtay halka 50 kun oo qof oo kale la qorshaynayay in sanadkan ay laabtaan.

Xigasho: BBC

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM