Kenya: weerar lagu qaadey Jaamacadda Gaarisa

Image

April 2, 2015 (GO)- Booliska Kenya ayaa sheegay in dabley hubeysan oo wejiga soo duubtey goor hore oo saaka ah weerar kusoo qaadeen Jaamacadda Gaarisa.

Dableyda ayaa gudaha u galay dhismaha Jaamacadda waxyar kaddib salaaddii subaxa, waxaana dhowr mar gudaha laga maqlay qaraxyo iyo rasaas fara badan.

Goob jooge ku sugan Gaarisa ayaa Garowe Onlie u sheegay in kooxda weerarka soo qaaddey oo ugu yaraan tiradoodu tahay shan nin ay gudaha ku haysteen tobaneeyo qof oo isugu jira ardey iyo macallimiin.

Ciidamada militeriga Kenya ayaa ku hareeraysan dhismaha waxaana la xirey dhammaan jidadka Jaamacadda soo gala.

Khasaare nafeed oo badan ayaa jira sida ay sheegeen qaar kamid ah ardeydii weerarkaas ka badbaadey, waxaana isbitaalka Garissa ilaa iyo hadda la gaarsiiyey dhaawaca labo qof oo midkood ardey yahay midka kalena askari.

Lama aqoonsan ilaa iyo hadda haybta kooxda weerarka ka dambeysa, balse Al-shabaab ayaa horay weerar caynkan oo kale ah uga fulisey magaalada Nairobi September 2013.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu oo Is Casilay Bil Kadib Markii Loo Magacaabay Xafiiska

Xasilooni darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada dowladda Faransiiska ee lagu xallinayo caqabadaha.

  • Caalamka

    06-10-2025

  • 11:42AM