Kenya: xabaal-wadareed laga helay duleedka Mandhera

Image

December 7, 2015 (GO)- Xabaal-wadareed ay ku jiraan in ka badan labaatan qof oo Soomaali u badan ayaa laga helay meel 42km u jirta  magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari, Kenya.

Feysal Cabdinuur Isaaq oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Mandhera ayaa u sheegay idaacadda BBC in meydadka oo qaarkood la aqoonsaday ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Isaaq ayaa xusay in ay xalay soo saareen meydka hal qof oo dumar ah lana aasay, haseyeeshee inta kale maanta oo Isniin ah lasoo qufi doono.

"maamada aan hadda soo bixinay... inteysan dilin way kufsadeen, saa'id bay u garaaceen, way jejebiyeen...sidaasey hog ku geliyeen iyadoo qaawan oon dhar iyo waxba saarneyn" ayuu yiri

Xildhibaanku ma sheegin cidda loo malaynayo in ay dadkaas laysey, wuxuuse qiray in qaar kamid ah muddo la la'aa, kadib markii ciidamada ammaanka ee Kenya kaxasteen. Ma ahan markii ugu horreysey ee xabaal wadareed gobolkaas lagu arko.

Dowladda Kenya ayaa kordhisay hawlgallada ammaanka lagu sugayo iyo qabqabashada dadka looga shekiyo inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-shabab, wixii ka dambeeyey weerarkii khasaaraha badan geystey ee Westgate Mall.

Tobannaan qof oo muslimiin ah una badan Soomaali ayaa la waayey labadii sano ee u dambeeyey. Dadkaas oo qaarkood markii dambe maydadkooda la helay, waxaa la rumeysan yahay in dilkooda ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan laamaha ammaanka, gaar ahaan waaxda la-dagaalanka argagixisada.

Mas'uuliyiinta laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari ayaa dhowr mar arrintan ka hadlay, waxaa sidoo kale tacadiyada laamaha ammaanka Kenya si weyn u cambaareeyey ururrada u dooda xuquuqul insaanka, gaar ahaan Human Rights Watch (HRM).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM