Khadadka Taleefanada dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo la isu furey

Image

ADDIS ABABA- Dadka isticmaala shirkadaha isgaarsiinta dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa si rasmi ah uga farxay tallaabada khadadka teleefoonada dib la isugu furay oo hadda ay teleefoonada isku diri karaan iyagoo kala joogo labada dal.

Dadka qaar ee ku kala sugan Itoobiya iyo Eritrea ayaa markiiba billaabay inay la xiriiraan ehelkooda degan deegaannada xadka.

Shirkadda isgaarsiinta Itoobiya ayaa malaayin farriimo ah u dirtay macaamisha isticmaala teleefoonada oo ay shaaca ka qaaday in khadadka telefoonada Eritrea hadda si rasmi ah loo furay.

Isniinti hoggaamiyeyaasha labada dal waxay ballan qaadeen inay soo afjarayaan colaadda xadka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dib loo furayo isgaarsiinta taaso labada dal ay kala xirteen tan iyo sannadkii 1998-dii, waggaasi oo uu bilaawday dagaalka xadka.

Dadka qaarkood waxay si jeesjees ah ay uga hadlayaan tallaabadan ‘waxay leeyihiin waxaan dib u wacaynaa dadkii nasoo wacay sannadkii 1998-dii’ waxaana kamid ah dadkaasi weriye u shaqeeyo wakaaladda wararka ee Reuters.

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM