Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Image

Tehran/Moscow – Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa Isniintii u diray wasiirkiisa arrimaha dibadda magaalada Moscow si uu fariin gaar ah ugu gudbiyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isaga oo ka dalbanaya in Ruushka uu kordhiyo taageerada uu siiyo Iran kadib weerarro culus oo Maraykanku ku qaaday goobo muhiim ah oo nukliyeer ah oo ku yaalla Iran.

Weerarradan, oo dhacay dhammaadkii toddobaadkii lasoo dhaafay, ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu xooggan ee Maraykanku ku qaado Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran tan iyo kacaankii 1979-kii.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dowladda Israa’iil ayaa si cad u muujiyay suurtagalnimada in la dilo Ayatollah Khamenei ama la beddelo xukunka Tehran—arrin Ruushka uu uga digayo in ay gacan ka geysan karto in Bariga Dhexe u burburo xasilloonidiisa.

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka. Todobaadkii hore, Putin wuxuu ugu baaqay dhinacyada kala duwan inay dejiyaan xaaladda, isagoo Ruushka u soo bandhigay inuu door dhexdhexaadin ah ka qaato barnaamijka nukliyeerka Iran.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa wataa warqad rasmi ah oo uu Khamenei u diray Putin, taasoo lagu muujinayo in Tehran ay rabto in Ruushku si buuxda ula garab istaago arrimaha ay kala kulmayso Maraykanka iyo Israa’iil.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Iran ayaa u sheegay Reuters in Tehran aysan ku qanacsanayn taageeradii Ruushka ee ilaa hadda, waxayna doonayaan in Putin uu qaaday tallaabooyin muuqda oo si cad u muujinaya taageero dhab ah. Si kastaba, ma cadda nooca taageerada Iran ay dalbanayso.

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xaqiijiyay in Putin uu la kulmi doono Araqchi, balse kama uusan hadlin waxyaabaha rasmiga ah ee laga wada hadlayo.

Araqchi ayaa wakaaladda wararka ee Ruushka, TASS, u sheegay in Iran iyo Ruushku ay isku dubbaridayaan mowqifyadooda ku aaddan xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Putin ayaa horey u sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo Maraykanka iyo Iran, isagoo xusay inuu labada dhinac u gudbiyay fikrado ay Moscow ka qabto sidii xal loo heli lahaa, iyadoo sidoo kale la dammaanad qaadayo in Iran ay sii wadan karto isticmaalka tamarta nukliyeerka ee rayidka ah.

Todobaadkii hore, Putin ayaa diiday inuu ka hadlo su’aal la xiriirtay in Israa’iil iyo Maraykanku qorsheynayaan in la dilo Khamenei.

Putin wuxuu sheegay in Israa’iil ay Moscow u sheegtay in aysan waxyeelleyn doonin khubarrada Ruushka ee ka shaqeynaya dhismaha laba matoor oo nukliyeer ah oo laga hirgelinayo xarunta Bushehr ee Iran.

Ruushka oo xiriir istaraatiiji ah la leh Tehran ayaa door muuqda ku leh wadaxaajoodyada nukliyeerka ee Iran iyo reer galbeedka, maadaama uu yahay xubin cod vetow ah ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo saxiixii heshiiskii hore ee nukliyeerka ee uu Trump ka baxay sanadkii 2018.

Si kastaba, Putin oo ciidamada Ruushka ay weli ku jiraan dagaal dheer oo dhanka Ukraine ah, ayaa ilaa hadda muujiyay rabitaan hoose in uu si toos ah ugu lug yeesho iska horimaad toos ah oo la xiriira Iran, xilli Maraykanku uu muujinayo doonis uu xiriirka dib ugu hagaajiyo Moscow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM