Khasaaro ka dhashay isqarxin lagu weeraray Kaniisad

Image

JAKARTA, Indonesia - Laba ismiidaamiyeyaal ah ayaa isku qarxiyay banaanka kaniisad katoolik ah oo ku taal magaalada Makassar ee Indonesia, halkaas oo ay ku dhaawacmeen afar iyo toban qof maalintii ugu horeysay ee Toddobaadka Easter, booliska qaranka ee dalka ayaa sidaas yiri.

Qaraxa ayaa wuxuu dhacay Axadii iyaddoo dadwayne cibaado ugu jira gudaha kaniisadda ku taal jasiiradda Sulawesi ay isku diyaarinayeen in ay soo gabagabeeyaan joogitaankooda.

"14 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa," ayuu yiri afhayeenka bilayska qaranka Argo Yuwono. Laba eedeysane oo lagu tuhunsan yahay weerarkaas waxay wajahayaan su'aallo waydiin.

Booliska deegaanka oo bixiyey tafaasiil kooban kuna saabsan weerarkaas ayaa horey u sheegay in qofka is-qarxiyay uu kaligiis falka sameeyay.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa ficilkan argagixisanimo waxaanan amar ku siiyay taliyaha bilayska inuu si fiican u baaro shabakadaha dambiilayaasha isla markaana uu dumiyo shabakadaha xididadooda," ayuu yiri Madaxweyne Joko Widodo.

Booliska ma aysan sheegin cidda mas'uul ka noqon karta weerarka mana jirin sheegasho deg-deg ah oo la xiriirta masuuliyadda.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Indonesia ayaa ka dhacay jasiiradda loo dalxiis tago ee Bali sanadkii 2002, markii diyaaradaha wax duqeeya ay dileen 202 qof, oo u badnaa dalxiisayaal ajaanib ah.

Sannadihii ku xigay, ciidamada amniga ee Indonesia waxay gaareen guulo waaweyn oo wax looga qabanayo kooxaha hubeysan laakiin, dhawaanahan, waxaa dib u soo cusboonaaday rabshadaha oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyaan kooxo xiriir la leh "Islaamiyiin xagjir ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM