Khasaaro ka dhashay isqarxin lagu weeraray Kaniisad

Image

JAKARTA, Indonesia - Laba ismiidaamiyeyaal ah ayaa isku qarxiyay banaanka kaniisad katoolik ah oo ku taal magaalada Makassar ee Indonesia, halkaas oo ay ku dhaawacmeen afar iyo toban qof maalintii ugu horeysay ee Toddobaadka Easter, booliska qaranka ee dalka ayaa sidaas yiri.

Qaraxa ayaa wuxuu dhacay Axadii iyaddoo dadwayne cibaado ugu jira gudaha kaniisadda ku taal jasiiradda Sulawesi ay isku diyaarinayeen in ay soo gabagabeeyaan joogitaankooda.

"14 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa," ayuu yiri afhayeenka bilayska qaranka Argo Yuwono. Laba eedeysane oo lagu tuhunsan yahay weerarkaas waxay wajahayaan su'aallo waydiin.

Booliska deegaanka oo bixiyey tafaasiil kooban kuna saabsan weerarkaas ayaa horey u sheegay in qofka is-qarxiyay uu kaligiis falka sameeyay.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa ficilkan argagixisanimo waxaanan amar ku siiyay taliyaha bilayska inuu si fiican u baaro shabakadaha dambiilayaasha isla markaana uu dumiyo shabakadaha xididadooda," ayuu yiri Madaxweyne Joko Widodo.

Booliska ma aysan sheegin cidda mas'uul ka noqon karta weerarka mana jirin sheegasho deg-deg ah oo la xiriirta masuuliyadda.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Indonesia ayaa ka dhacay jasiiradda loo dalxiis tago ee Bali sanadkii 2002, markii diyaaradaha wax duqeeya ay dileen 202 qof, oo u badnaa dalxiisayaal ajaanib ah.

Sannadihii ku xigay, ciidamada amniga ee Indonesia waxay gaareen guulo waaweyn oo wax looga qabanayo kooxaha hubeysan laakiin, dhawaanahan, waxaa dib u soo cusboonaaday rabshadaha oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyaan kooxo xiriir la leh "Islaamiyiin xagjir ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM