​Kiir iyo Machar oo Juba ku dagaallamay

Image

Dagaal xooggan ayaa ciidammo kala taabacsan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar ku dhexmaray caasimadda Juba ee South Sudan.

Ciidanka Machar ayaa sheegay in fariisimahooda ay kusoo weerarreen kuwa madaxwyne Kiir.

Dagaalka ayaa saaka xooggiisa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimadda Juba iyo weliba agagaarka garoonka diyaaradaha.

Lama sheegin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Qaramada Midoobay ayaa labada dhinac ku dhaliishay in aanay ilaalin heshiiska nabadda, ee lagu soo afjarayay colaadda sokeeye ee dalkaasi ka jirtay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiiska awgii ayaa tiro kooban oo ka tirsan xooggaga Mr Machar waxa ay ku laabteen Juba, walow aan weli lagu dhafin ciidanka dowladda.

Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Juba ugu baaqay in taxadaraan, isla markaana aanay dibedda u bixin.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM