Koonfur Afrika: ganacsato Soomaali ah oo la boobay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

January 24, 2015 (GO)-  Deegaanka Soweto oo ku yaalla duleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, halkaasoo maalintii afraad rabshado ajaanibta looga soo horjeedaa ka socdaan, waxaa maanta lagu boobay tobanaan meheradood oo badankooda ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen.

Kooxo qaswadeyaal ah ayaa jabsaday dukaamada kadibna boobey dhammaan badeecooyinkii halkaas yaaley iyagoo ugu dambeyntiina dab qabadsiiyeen dhismeyaasha qaar. Booliska oo mar dambe goobta soo gaarey ayaa kala eryey dadkii rabshada dhigayey.

Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan deegaanada magaalooyinka waaweyn ka baxsan ee dadka saboolka ahi ku dhaqan yihiin, waxaa sanad kasta lagu dilaa tobanaan ganacsato ajaanib ah oo intooda badani Soomaali yihiin.

Dowlada Koonfur Afrika ayaa marar badan ballan qaadey inay wax ka qaban doonto xad-gudubyada loo geysto ajaanibta balse arintaas ayaa u muuqta mid aan ilaa iyo hada dhankeeda wax tallaabo ah laga qaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM