Koonfur Afrika: ganacsato Soomaali ah oo la boobay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

January 24, 2015 (GO)-  Deegaanka Soweto oo ku yaalla duleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, halkaasoo maalintii afraad rabshado ajaanibta looga soo horjeedaa ka socdaan, waxaa maanta lagu boobay tobanaan meheradood oo badankooda ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen.

Kooxo qaswadeyaal ah ayaa jabsaday dukaamada kadibna boobey dhammaan badeecooyinkii halkaas yaaley iyagoo ugu dambeyntiina dab qabadsiiyeen dhismeyaasha qaar. Booliska oo mar dambe goobta soo gaarey ayaa kala eryey dadkii rabshada dhigayey.

Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan deegaanada magaalooyinka waaweyn ka baxsan ee dadka saboolka ahi ku dhaqan yihiin, waxaa sanad kasta lagu dilaa tobanaan ganacsato ajaanib ah oo intooda badani Soomaali yihiin.

Dowlada Koonfur Afrika ayaa marar badan ballan qaadey inay wax ka qaban doonto xad-gudubyada loo geysto ajaanibta balse arintaas ayaa u muuqta mid aan ilaa iyo hada dhankeeda wax tallaabo ah laga qaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM