​Kooxaha ku dagaallamaya Yemen oo wada hadlaya

Image

Waxaa maanta si toos ah u furmay wada-xaajoodka la doonayo in lagu soo afjaro colaadda 13 jirtay ee ka taagan dalka Yemen.

Dhinacyada ayaa si kafool kafool ah u wada hadlaya, waxaana arrintaasi garwadeen ka ah Qarmada Midoobay oo shirkaasi ku tilmaamtay dhabadii lagu soo afjari lahaa qala-laasaha waddankaasi.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa wali aamisan inay taagan yihiin caqabado hareeyey wadahaladan oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Dalka yemen waxaa isku haya isbahaysi uu Sacuudiga hogaaminayo iyo kooxda Xuutiyiinta

Boqolaal kun oo qof ayaa dagaalladaasi ku barakacay, waxaa sidoo kale ku dhintay kunaan kale.

Xaaladda dalkaasi, ayaa weli ku jirta jaah wareer iyo dhibaato taabatay dadka shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM