Kooxda Abu Sayyaf oo Laga Dilay Taliye Sare

Image

Milatariga Philippine ayaa dilay taliye muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda mintidiinta ee Abu Sayyaf, sida uu maanta sheegay madaxda milatariga dalkaas.

General Eduardo Ano ayaa shaaca ka qaaday in milatariga ay meydka Moammar Askali, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Rami ka heleen xaafad ku taalla jasiiradda Bohol, halkaasi oo ciidamada Philippine ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Abu Sayyaf.

Askali ayaa waxaa lala xiriiriyey afduubka iyo gowraca laba qof oo u dhashay dalka Canada, sanadkii tagay, iyo qof u dhashay dalka Jarmalka oo la dilay bishii Febraayo.

Milatariga ayaa sheegay in Abu Sayyaf ay isku dayayeen inay gaystaan afduubyo cusub markii ay doon ku yimaadeen magaalada Inabanga oo ku taalla jasiiradda Bohol ee koonfurta Philippine, halkaasi oo kooxda ay ka howlgasho.

Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada dowladda ay halkaas u tageen inay baaraan arrintan, waxaana maanta halkaas ku dhintay lix ka tirsan mintidiinta, saddex askari iyo nin boolis ahaa.

Milatariga ayaa sheegay in dagaalka uu weli socdo, islamarkaana ay cayrsanayaan qaar ka mid ah mintidiinta.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM