Kooxdii dishay Khashoggi oo "lagu tababaray" Mareykanka

Image

WASHINGTON, USA - Afar Sucuudi ah oo ku lug lahaa dilkii wariyihii Washington Post, Jamal Khashoggi, ayaa tababar qaas ah ku qaatay Mareykanka sanadkii la soo dhaafay qandaraas ay oggolaatay Waaxda Arrimaha Dibadda, sida ay Talaadadii shalay ahayd warisay majalada afka dheer ee New York Times.

Sida ku xusan warbixinta oo lagu soo xigtay illo wareedyo kala duwan oo aan la magacaabin, tababarka waxaa bixiyay Tier 1 Group, oo ay leedahay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Cerberus Capital Management, wuxuuna ahaa mid difaac ku jira oo loogu talo galay in lagu ilaaliyo hogaanka sarre ee Sacuudi Carabiya.

Cerberus ayaa si dhakhso ah waxa aysan uga jawaabin codsi uga yimid wakaaladda wararka ee Reuters iyo hay'addo kale oo warbaahinteed kuwaasoo qaarkood caan ahaa.

Isaga oo ka jawaabaya warbixinta Times, afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Ned Price ayaa sheegay in sharciga uu dhigayo in waaxda aysan ka hadli karin "mid ka mid ah rukhsadda shatiga dibadda".

Price ayaa sidoo kale wuxuu daaha ka rogay in siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Sacuudi Carabiya "ay mudnaanta siin doonto sareynta sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha".

Warbixin sirdoonka Mareykanku soo saaray bishii Febraayo ayaa lagu sheegay in amiirka dhaxalka leh uu ogolaaday hawlgal lagu soo qabanayo ama lagu dilayo saxafiga 

Khashoggi, oo deganaa Mareykanka kana mid ahaa tiirarka wax ku qora Washington Post aadna u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, ayaa lagu dilay ayna ku jarjartay koox hawl wadeenno ah oo xiriir la leh amiirka, qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul Oktoobar 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM