Koronto la'aan soo wajahday shacabka dalka Itoobiya

Image

ADDID ABABA - Koronto la'aan baahsan ayaa saameysay guud ahaan waddanka Itoobiya kaddib markii ay xalay cilad farsamo ku timid mid ka mid ah biyo-xireennada korontada laga dhaliyo ee dalkaasi.

Koronto la'aantan ayaa bilaabatay xalay kaddib markii uu karkaarada goostay mid ka mid ah kanaallada biyo-xidheenka Gibe III oo ku yaalla Koofurta dalka Itoobiya.

Warbaahinta qaranka dalkaasi ayaa sheegeytay in injineerrada shirkadda korontada Itoobiya ay xalliyeen cilladdii.

Si kastaba ha ahaatee qaar ka mid ah meelaha ka baxsan caasimadda ayaysan wali u soo noqonin korontadii.

Biyo-xireenka oo laga dhaliyo 1,800 Megawatts oo quwadda korontada ah, ayaa ahmiyad u leh Itoobiya.

Koronto la'aanta dalkaasi ayaa ah mid soo laalaabata, inkastoo Itoobiya ay maalgashi wayn ku hayso biyo-xireennada quwadda korontada laga dhaliyo.

Waxay haatan webiga Nile ka dhiseysaa hannaanka quwadda korontada oo noqon doona kan Afrika ugu weyn.

Mashruucaas oo ay ku baxayso $4bn, ayaa waxaa ka soo horjeedsaday Masar oo sheegeysa in biyo-xireenkani uu saameynayo biyaha dalkeeda.

Wada-hadallo lagu xallinayo muranka u dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa dib u dhacay.

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM