​Ku dhawaad 40 oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Suuriya

Image

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya, ayaa sheegaya in weeraro lagu hoobtay ay ka dhaceen magaalada Xums oo gacanta dowladda ku jirtay ilaa 2015.

Qaraxyo qaybtood waxaa  lala eegtay saldhig ciidan.

Maamulka magaalada Xums, ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lala eegtay saldhig ciidamadu kuleeyihiin magaalada.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa ka soo xigatay badhasaabka gobolka Xums, Dalaal Al-Baraasi, inuu sheegay in ay sidoo kale shilkaa ku dhaawacmeen 24 qof oo kale.

Warar kale oo warbaahinta qaarkeed baahisay ayaa iyaguna tibaaxay in madaxii sirdoonka milatariga, Jeneraal Xasan Dacbuul, isna lagu dilay weerarkaa, waxaana la tuhusanyahay in ay weerarka soo qaadeen lix qof oo miidame ahaa.

Xarunta la socodka xad gudubyada xuquuqal insaanka ee Suuriya, oo saldhigeedu yahay Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in dadka weerarkaa ku dhintay ay ka badan yihiin 40 qof oo badankoodu ahaayeen ciidamada nabad gelada.

Majirto ilaa hadda koox sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadan, balse waxaa lagusoo beegay xilli wada-hadal nabadeed kasocdo magaalada Geneva.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM