​Ku dhawaad 40 oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Suuriya

Image

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya, ayaa sheegaya in weeraro lagu hoobtay ay ka dhaceen magaalada Xums oo gacanta dowladda ku jirtay ilaa 2015.

Qaraxyo qaybtood waxaa  lala eegtay saldhig ciidan.

Maamulka magaalada Xums, ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lala eegtay saldhig ciidamadu kuleeyihiin magaalada.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa ka soo xigatay badhasaabka gobolka Xums, Dalaal Al-Baraasi, inuu sheegay in ay sidoo kale shilkaa ku dhaawacmeen 24 qof oo kale.

Warar kale oo warbaahinta qaarkeed baahisay ayaa iyaguna tibaaxay in madaxii sirdoonka milatariga, Jeneraal Xasan Dacbuul, isna lagu dilay weerarkaa, waxaana la tuhusanyahay in ay weerarka soo qaadeen lix qof oo miidame ahaa.

Xarunta la socodka xad gudubyada xuquuqal insaanka ee Suuriya, oo saldhigeedu yahay Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in dadka weerarkaa ku dhintay ay ka badan yihiin 40 qof oo badankoodu ahaayeen ciidamada nabad gelada.

Majirto ilaa hadda koox sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadan, balse waxaa lagusoo beegay xilli wada-hadal nabadeed kasocdo magaalada Geneva.

GAROWEONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM