Kumuu ahaa Alex Pretti oo ICE ku dishay Minneapolis?

Image

Minneapolis – Alex Pretti, oo 37 jir ahaa, kana shaqeyn jiray kalkaalin caafimaad oo heer sare ah, ayaa Sabtidii lagu dilay dhacdo ay ku lug lahaayeen saraakiil ka tirsan hay’adaha socdaalka Mareykanka. Qoyskiisa, saaxiibbadiis iyo asxaabtiisa shaqada ayaa ku tilmaamay inuu ahaa qof noloshiisa u huray caawinta dadka kale, gaar ahaan askarta hore ee xanuunsan.

Pretti wuxuu muddo ku dhow shan sano ka shaqeynayay Waaxda Daryeelka Degdegga ah (ICU) ee Isbitaalka Veterans Affairs (VA) ee magaalada Minneapolis. Asxaabtiisa ayaa sheegay in uu si gaar ah u daneyn jiray xaaladda bukaannada culus, islamarkaana uu dadaal u gelin jiray sidii loo yareyn lahaa halista cudurrada khatarta ah, sida kansarka mindhicirka, ee ku dhaca askarta hore.

Waalidkiis, Michael iyo Susan Pretti, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in wiilkoodu ahaa “qof qalbi furan oo si qoto dheer u jeclaa qoyskiisa, saaxiibbadiisa iyo askarta Mareykanka ee uu u adeegi jiray.” Waxay intaas ku dareen in uu lahaa rajo ah in uu wax ku kordhiyo adduunka, balse nasiib darro uusan fursad u helin inuu arko saameynta uu reebay.

Dhacdada dilka, Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in saraakiishu ay hub ka qaadeen Pretti xilli uu dhulka ku jiifay, isla markaana ay rasaas u adeegsadeen is-difaac. Muuqaal laga duubay goobta ayaa muujinaya in hubka laga qaaday ka hor inta aysan rasaastu dhicin. Booliiska Minneapolis ayaa dhankooda sheegay in Pretti uu ahaa milkiile sharci ah oo hub sita, isla markaana uusan lahayn wax dambi ah oo ka baxsan xadgudubyo taraafik iyo baarkin.

Qoyskiisa ayaa si adag u diiday eedeymaha sheegaya inuu khatar ku ahaa saraakiisha, iyagoo ku andacooday in uu isku dayay inuu ilaaliyo haweeney ku dhoweyd goobta xilliga dhacdadu dhacaysay. Waalidkiis waxay ku tilmaameen wararka lagu faafiyay wiilkooda “kuwa dhaawacaya sumcaddiisa.”

Pretti ayaa dhowaan ku biiray mudaharaadyo ka dhan ah fulinta adag ee sharciyada socdaalka, kaddib markii qof kale lagu dilay dhacdo la xiriirta saraakiil ka tirsan ICE. Aabihiis wuxuu sheegay in ay kula dardaarmeen wiilkooda inuu si taxaddar leh u muujiyo aragtidiisa, balse uusan gelin khatar.

Deriskiisa, Jeannie Wiener, oo ka tirsan guddiga amniga ee xaafadda Lyndale, ayaa ku tilmaantay Pretti “qof edeb badan oo saaxiibtinimo leh,” iyadoo sheegtay in ay inta badan kula sheekeysan jirtay marka uu eeygiisa la lugeynayo.

Alex Pretti wuxuu dugsiga sare ka qalin jabiyay Green Bay, Wisconsin sanadkii 2006. Wuxuu naftiisa ku bixiyay waxbarashada kalkaalinimada isagoo ka shaqeynayay isbitaalka VA, ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Qoyska iyo asxaabtiisa ayaa ku tilmaamay geeridiisa mid ka tagtay bannaan weyn oo ka dhex muuqda bulshada uu u adeegi jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM