Kuuriyada Koonfureed oo wafdi u diraysa Pyongyang

Image

Seoul - Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa qorsheynaya in laba sarkaal oo sarsare uu u diro dalka deriska ah ee Kuuriyada Woqooyi si loo sii xoojiyo debacsanaanta diblomaasiyadeed ee tan iyo billowgii ciyaarihii xilliyada qaboobaha ee ka furmay Kuuriyada Koonfureed.

Wafdiga Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa hoggaamin doono madaxa sirdoonka iyo dhiggiisa amniga qaranka.

Sida uu sheegay kaaliye ka tirsan xafiiska madaxweyne Moon Jae-in, ergadani ayaa booqashada Pyongyang kaddib waxay aadi doonaan Mareykanka, waxaana arrintani ay qeyb ka tahay dedaallada xukuumadda Seoul ay ku dooneyso in ay isugu soo dhaweyso Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi.

Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wadahadal la yeelato Mareykanka balse waxa ay cambaareysay dhoolatuska milatari ee sida wada jirka ahi ay u sameyn doonaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labadan dowladood ayaa u dhaxaysa colaad mudo dheer soo jiitamaysay taasi oo salka ku haysa muran dhanka Xuduuda ah, iyadoo Mareykanka uu sii hurinayo colaadda labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM