​Kuuriyada Waqooyi oo Cambaarayn la kulantay

Image

Qaar kamid ah waddamada ugu quwadda weyn dunida ayaa ka walaacsan khatarta ka imaan karta tijaabada hubka Neuclear-ka ee ay baroobaynayso dowladda Kuuriyada Waqooyi taasoo horay isaga dhago tirtay Cunaqabatayn ay kusoo rogtay Qaramada Midoobay.

Dalalka Ruushka, Shiinaha, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa cabsi ka muujiyay tallaabooyinka ay ku kacayso xukuumadda Pyongyang, gaar ahaan tijaabadii ugu dambaysay ee Gantaalkii 6aad ee saaka cirka loo ganay.

Gantaaladan ayaa la sheegay inay yihiin kuwii ugu casri sanaa Caalamka islamarkaana ay isaga kala gooshi karaan Qaaradaha Adduunka.

Goor sii horaysay xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Kim Jong-un  ayaa goor sii horaysay sheegtay in tijaabadaasi ay tahay mid guulaysatay islamarkaana hubkeedu uu yahay mid aad u horumarsan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay Gantaal saaka ay tijaabisay xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay inay tahay colaad hor leh oo kusoo biirtay dunida.

Trump oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa intaas ku daray in hadallada iyo ficillada dowladdaas ay dhalin karto dhibaato ka qaraxda caalamka.

Maaha markii ugu horaysay ee la cambaareeyo falal ay ku kacday xukuumadda Kuuriyada Waqooyi, balse hadda ka hor waxaa hanjabaato hawada isu marayay dowladda Washington iyo Pyongyang.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM