​Kuuriyada Waqooyi oo hanjabtay

Image

Kuuriyada Waqooyi  ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ugu hanjabtay inay ku qaadi doonto dagaal lagu hoobto islamarkaana isticmaali doonaan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, kadib markii ay ku eedeeyeen inay wadaan qorshe dagaal.

Arrintan ayaa xukuumadda Pyongyang shaacisay kadib markii ay samaysay dhoolatus milatari oo ay ka qayb qaateen in kabadan 30, 000 oo ciidanka Kumaandoosta ah, oo ay sannad kasta qabtaan.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee Koonfurt Kuuriya ayaa uga digtay Pyongyang in ay qaado fal bur bur u horseeda gobolka.

“Haddii ay Kuuriyada Woqooyi iska dhego tirto digniinta aan wadno oo ay na daandaansato, ciidamadayada ayaa si bilaa naxariis ah oo adag ugu jawaabi doona,” Ayuu yiri Moon Sang-gyun oo ah Af-hayeen u hadlay wasaaradda Gaashaan dhigga.

Hadalkan kama duwana kuwii hore, oo dadka siyaasadda dalkaasi lasocda waxay sheegayaan inay tahay arrinta inta badan hadal hayn u ah xukuumadda Kuuriyada Waqooyi.

Sannadkii hore ayay ahayd markii ay sheegeen inay ololin doonaan Washington, waxaase hanjabaada hada soo yeertay shaaca ka qaaday inta ay le egtahay xubka khatar ah ee ay haystaan.

Dhinaca Maraykanka, majirto waxa war ah oo kasoo baxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM