Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal dul maray Japan

Image

Xilli ay aad kacsantahay xiisadda ka dhextaagan waddamada Kuuriyada Waqooyi iyo Marayka ayaa mar kale xukuumadda Peon-yang ay tijaabisay Gantaal dul maray dalka Japan, kasoo ku dhacay badda.

Arrintaas waxaa aad uga carootay xukuumadda Japan oo dalbatay in kulan deg deg ah falkaas ay ka yeeshaan golaha ammaanka.

Saaka oo Salaaso ah ayaa xukuumadda Kuuriyada Waqooyi waxay ayaa abaare 06 aroornimo cirka u gantay Gantaal kamid ah kuwa ridada dhexe ee lagu magacaabo Hwasong-12 kaasoo dul maray waddanka ay jaarka yihiin ee Japan.

Gantaalkan ayaa dulmaray jasiirada Hokkaido ee Waqooyiga Japan, kasoo kusoo dhacay badda jasiiradaasi oo 2,700km u jirta goobtii lagasoo tuuray.

Ra'isal wasaaraha Japan ayaa warbaahinta u sheegay in arrintaas ay tahay wax laga xumaado iyo khatar weyn oo dunida kusoo biirtay isagoo dalbaday in shir deg deg ah ay isugu yimaadaan golaha ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

“Arriintan waxay ka marakacaysa sida Kuuriyada Waqooyi ugu dhiirantahay inay tijaabiso gantaaladeeda, balse waxay khatar ku tahay amniga iyo xasiloonida gobolka," Ayuu yiri Mr.Abe oo shir jaraa’id qabtay.

Sidoo kale xukuumadda Japan ayaa u digtay dadkeeda ku nool gobollada Waqooyi inkastoo ay sheegeen in ilaa hadda aysan muuqan astaan muujinaysa cabsi iyo wel wel.

GAROWEONLINE

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM