Kuwait: Ra'iisul Wasaare is-casilay oo dib loo magacaabay

Image

Kuwai City, Kuwait – Amiirka Kuwait ayaa soo saaray wareegto uu dib ugu magacaabay, Sheikh Sabah Al Khalid Al Sabah, in uu noqdo ra’iisul wasaare kadib markii golaha wasiirada ay isu-casileen isbuucii hore isqabqabsi kala dhaxeeyay baarlamaanka oo coddeeyay inay su’aalo ka weydiiyaan arrimaha dastuurka, oo ku jirto xulashadiisa wasiirada.

Wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA ayaa Axaddii faafiisay digreetada uu soo saaray Amiir Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah taas oo sidoo kale lagu xusay in loo xilsaartay Sheekh Sabah in uu soo magacaabo gole wasiirro oo cusub si loo ansixiyo.

Xukuumaddii halka bil jirtay ayaa ciyaareysay kaalin kumeelgaar ahaan tan iyo markii ay isu casishay 13-kii Janaayo is-mari-waagii kala dhaxeeyay baarlamaanka.

Mooshinka horaantii bishaan la doonayey in lagu soo gole-joojiyo Sheekh Sabaax, oo ra’iisul wasaare ahaa ilaa dhammaadkii 2019, waxaa taageeray 38 mudane oo ka tirsan golaha shacabka Kuwait oo xubnaha uu ka kooban yahay dhan yihiin 50 mudane.

Sidda ay qortay wakaalada wararka ee Reuters, gadoodka baarlamaanka wuxuu la xiriiraa in golaha wasiiradda aysan metelaad rasmi ah sameyn iyo in xukuumadda ay faragalisay doorashooyinkii baarlamaanka ee qabsoomay sanakdii lasoo dhaafay.

Xaaladda ayaa ah mid kamid ah dhibaatooyinka ugu culus ee uu wajahayo Amiirka xukunka la wareegay bishii Sebtember wuxuuna dadaal adag u galay sidii wax looga qaban lahaa hoos u dhaca dhaqaalaha dalkan hodanka ku ah shidaalka ee Covid-19 saameyay.

Is-qabqabsiyadda iyo i-smari-waaga ka jira dalka ee u dhexeeya golaha wasiirada iyo golaha la soo doortay ayaa horseeday isku shaandheyn dowladeed oo isku xigta iyo kala dirid baarlamaanka sanadihii la soo dhaafay.

Is-mari-waaga soo noqnoqdey ee u dhaxeeya golaha wasiiradda iyo baarlamaanka ayaa had iyo goor waxay dhabaha u xaaraan kala dirida xukuumada iyo Xildhibaanadda.

Kuweyt waxaa dalka kaliya ee uu k ajiro nidaamka siyaasadeed ee ugu fiican wadamada Khaliijka; baarlamaanka waa mid si buuxda loo soo doortay uu awood u leh inuu meel mariyo ama hor istaago sharciyada, isla markaana su'aalo weydiiyo wasiirrada.

Si kastaba ha noqotee, sidda ku xusan dastuurka, amiirka wuxuu leeyahay awoodo ballaaran wuxuuna kala diri karaa sharci dejinta ka dib soo jeedinta dowladda.

Golihii wasiiradda ee hore ayaa shaqada ka tegay bishii Nofeembar 2019 iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo isqabqabsi, halka gollihii ugu dambeeyay ee la badalay bishii Diseembar 2020 doorashadii taasoo siisay mucaaradka ama musharixiinta midoobay fursad ku hanten ​​ku dhowaad kala bar baarlamaanka dalkan oo ka kooban 50 kursi.

Codbixinta ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii amiirka cusub uu xafiiska la wareegay bishii Sebtember ka dib markii uu dhintey walaalkiis ay isku aabaha ahaayeen, Sheekh Sabah, isagoo jira 91. Amiirka cusub wuxuu balanqaadey in uu sii wadi doono dhaxalka uu ka tagay walaalkii isla markaana uu xoojin doono nidaakma siyaasaded ee hadda jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM