Labo Falastiiniyiin ah oo ku dhintay Duqeyn Israel ka fulisay Gaza

Image

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeyn waxay ka fuliyeen magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin, xilli shacabka dalkaasi ay samaynayaan dibadbaxyo looga soo horjeedo go'aankii Trump Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

Ugu yaraan labo Falestiiniyiin ah ayaa ku dhintay qaar kalena way ku dhaawacmeen duqeybta oo ay gaysatay diyaarad Drone ah taasi oo ay leeyihiin ciidamada Militariga Israel.

War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin aaa lagu sheegay in labada ruux ee ku dhintay duqeynta Israel ay yihiin xubno katirsan ururka  Islamic Jihad oo ku sugnaa xaafada Beit Lahia ee waqooyiga magaalada Gaza.

Militariga Israel ayaa beeniyay in weerarka ay ka dambeeyeen.

Israel ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah magaalada Gaza oo gacanta ay ku hayaan Xoogaga Xamaas si ay uga hortagto gantaallada deegaanadeeda looga soo tuuro magaaladaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM