Lacagta Al-Shabaab "dalbatay" si ay u sii deyso dhakhaatiirta Cuba

Image

HARERA, Cuba – Wadahadalo ayaa u socda dowladda Cuba iyo maleeyshiyaadka Al-Shabaab si ay xorriyadooda dib ugu helaan dhakhaatiirtii April, 2019 laga soo qafaashay waqooyi bari Kenya, sidda ay warbaahinta maxaliga ah.

Bogga afka dheer ee Cibercuba ayaa wariyey in wada-xaajoodyaddaas ay fududeynayaan odayaal dhaqan kuwaasoo tiradooda aan la qeexin iyo shaqsiyaad kale oo dulaaliin ah kuwaasoo dhinacyada u kala dab-qaadaya.

Warbixintan ayaa kusoo hagaageysa maalin kadib markii Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Cuba ay telefoonka uga wadahadleen qadiyadan, iyagoo is-weedaarsaday macluumaad ku saabsan meesha ay wax marayan.

Sidda ku xusan warbixinta mareega oo soo xiganeysa odayaasha dhaqanka, Al-Shabaab oo kiiska howlwadeenada caafimaad u aragta il ay dhaqaale ka sameyn karto ayaa dalbatay aduun dhan 1.5 milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Illaa haatan lama ogga meesha lagu hayo Assel Herrera Correa iyo Rodríguez Hernández, marka laga reebo in bishii May ee sanadkii 2019-kii lasoo wariyey in odayaal dhaqan ay kusoo arkeen degaan kamid ah dhulka Jubaland.

"Dhanka kale, Al-Shabaab waxay uga faa'iideysan kartaa haysashada dhakhaatiirta in ay u daaweeyaan dagaalameyaasha kasoo dhaawacma una tababaraan kuwa cusub iyagoo ay ilaalinayaan guutadooda Xarasa ee dusha kala socota maxaabiista iyo dhaqdhaqaaqa la-haysteyaasha," ayaa lagu yiri qormada bogga.

Talaabada haatan soo shaac-baxdey ee Cuba ay ku bilowday in ay la hadasho Al-Shabaab ayaa imaaneysa sanad kadib markii Kenya ay ku guuldareystay in ay ka shaqeyso badbaada howlwadeenada kuwaasoo ay soo kireysatay.

Xukuumadda Nairobi oo horey meesha uga saartay suurtagalnimada in madax-furasho lagu soo daayo dhakhaatiirta kuna adkeysatay talaabo milatari ayaan la ogeyn qaabka ay ku ogolaan doonto in la bixiyo aduun lacageedkaas.

Bishii May 9-keeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii Al-Shabaab laga soo badbaadiyey Silvia Romano oo la baxdey Maryama ka gedaal markii ay Islaamtay, wallow ay jiraan warbixino xusaya sii deynteeda lagu bixiyey madax-furasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM