Lataliyaha Madaxweynaha Imaaraatka oo dhaleeceeyay ficilada dal Carbeed

Image
Madaxweynaha Algeria ayaa ku sheegay Imaaraadka in aysan ka tagin dal ay faragelin ku sameynin si ay u dumiyaan.

Abu dhabi (GO) - La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka Anwar Gargash ayaa Talaadadii muujiyay sida uu ula yaabay falka dal ay walaalo yihiin oo ku saabsan xiriirka uu la leeyahay Imaaraadka Carabta.

Gargash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa “X” ku sheegay, isagoo aan caddayn dalka uu ula jeedo: “Waxaa la yaab leh in mid ka mid ah dalalka walaalaha ah uu sii wado aflagaadada dahsoon oo ka dhanka dowladda Imaaraadka”.

Waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi: "Hase yeeshee, in aan aan u dul-qaadano caydu waa waxa aan ka dhaxalnay hoggaankeenna, oo u arka in xiriirka dalalka walaalaha ah ay mudnaan iyo tiir dhexaadka u tahay siyaasaddeenna."

La taliyaha madaxweynaha Imaaraatka ayaa horay u xaqiijiyay in dalkiisu "uu ku sii socdo wadadiisa isagoon dhag jalaq u siin kuwa aan ku dhiiran karin inay ka hortagaan tabashooyinka ay qabaan shucuubtooda”.

Labo maalmood ka hor, madaxweynaha Algeria ayaa si aan horay loo arag uga hadlay Imaaraadka isagoo aan si toos ah u magacaabin, wuxuuna sheegay in aysan ka tagin dal ay faragelin ku sameynin si ay u dumiyaan oo fidno ku fidiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM