​Lix ruux oo lagu dilay masaajid ku yaala Canada

Image

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay siddeed kale ayaana ku dhaawacantay rasaas lagu furay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada.

Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda halkaas oo ay jameecaad ku tukanayeen salaad, booliiska ayaana xaqiijiyay geerida dadkaas, iyaga oo ula dhaqmaya sidii weerar argagixiso.

Booliiska magaalada Quebec ayaa sheegay in ay xireen labo ruux waxayna sheegeen in ay rumaysan yihiin in uusan jirin qof kale oo weerarkaas xirirr la lahaa oo baxsad ku maqan.

Booliisku waxay sheegeen in goobtaasi ay ammaantay oo xaaladdu dagan tahay, ayna masaajidka ka soo daad gureeyeen dad badan oo badqaba.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in aysan jirin faahfaahin ku saabsan dadka la qabtay ayna baaritaannadu hadda uun billawdeen.

Mar sii horaysayna ra'iisalwasaaraha ayaa weerarka ku tilmaamay mid "argagixiso".

Wuxuu intaas ku daray in uu aad uga naxay, ugana carooday markii uu maqlay weerarkaas.

Qof goobjooge ah mar sii horaysay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex ruux oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan, isla wakaaladduna waxay ku warantay in ay masaajidka galeen booliis hubaysan oo aad u yaqaana xeeladaysiga.

Dilkaas ayaa ka dhacay masaajidkan oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM