Maandooriye laga sameeyay lafaha bini'aadamka oo ku faafay dalka Sierra Leone

Image
Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah.

Freetown (GO) - Dalka Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah oo ka dhalatay maandooriye laga sameeyay lafaha bini'aadamka.

Dalkaasi waxaa aad ugu soo badanaya isticmaalka maandooriyaha ‘Kush”, taasi oo ku qasabtay ciidamada booliska in ay ilaaliyaan xabaalaha ku yaala caasimadda Freetown si ay dhalinyarada uga hor istaagaan in ay qodaan.

"Kush" ayaa laga sameeyay isku dhafka xashiishadda, iyo maadooyinka fentanyl, tramadol, iyo formaldehyde, iyo lafaha bini'aadamka oo la jajabiyey.

Madaxweynaha Sierra Leone Maada Bio ayaa yiri: "Dalkeennu hadda waxa uu wajahayaa khatar ay ugu wacan tahay saameynta xun ee daroogada iyo isticmaalka maandooriyaha, gaar ahaan Kush."

Inkastoo aysan jirin tiro rasmi ah oo dhimasho ah oo la xiriirta “Kush”, haddana dhakhtar ku sugan Freetown ayaa sheegay in boqolaal dhallinyaro ah ay u dhinteen bilihii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM