Macron oo wejiga looga dharbaaxay goob fagaare ah

Image

PARIS, France - Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Talaadada maanta ah waxaa dhirbaaxo looga dhuftay wejiga isagoo booqasho rasmi ah ku jooga koofur bari France, sida ay warisay saxaafadda.

Dhacdadan waxaa laga soo wariyey magaalada Valence ee koonfur barri France. Ma cadda sababta ka dambeysay arrintan. Ninka dharbaaxay Macron wuxuu ku qaylinayaan "Ha dhaco Macron".

Shaqsigan oo muuqaal kasoo muuqdey waxaa uu u muuqdaa mid xiran Af-Saab lehna gar. Ilaaladda gaarka ah ee Macron waxay durba hareereeyeen shaqsigan kaasoo isaga iyo ruux xabsi loo taxaabay.

Dowladda uu hogaamiyo madaxwayne Macron ayaa waxaa si weyn loogu dhaleeceeyaa siyaasada adag ee ay kula macaamisho Muslimiinta iyo qaxootiga.

Madaxweyne Macron ayaa ku guda jiraa booqasho uu ku marayo guud ahaan Faransiiska wuxuuna maanta uun booqday iskuul ku yaal Tain-l'Hermitage.

Booqashadiisa aaggaas ayaa lagu waday inuu sii socdo Talaadada, sida ay sheegeen saraakiishu, isagoo safar ugu aaday machad xirfadeedka loogu talagalay 25-30 sano jirada.

Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo aaday maalin ka hor talaabo weyn oo loo qaaday baararka Faransiiska iyo maqaayadaha, taas oo awood u yeelan doonta inay dib ugu furaan macaamiisha gudaha ka dib toddobo bilood oo ay xirnaayeen. Bandowga habeenkii ee Faransiiska ayaa sidoo kale lasoo horumarinayaa Arbacada markay tahay 21:00 ilaa 23:00.

Sannadkii 2016, Macron oo xilligaas ahaa wasiirka dhaqaalaha, waxaa ugun ku tuuray xubin ka tirsan shaqaalaha midowga bidix. Xilligaas waxaa socdey banaanbax ka dhan ah dib u habeynta shaqaalaha.

Macron wuxuu ku tilmaamay dhacdadaas inay ahayd "dhacdo iska caadi ah" oo uu sheegay inaysan xakamayn doonin go'aankiisa. Aqoonsiga ninka weeraray Macron, iyo ujeedkiisa, wali ma cadda.

Laba sano kadib, dibadbaxayaasha ka soo horjeedda dowladda oo ku caan baxay Jaakada Jaalaha ayaa ku jeesjeesay kuna ooriyay Macron dhacdo mucaaradka dowladda ku sifeeyeen mid cashar laga baran karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM