Macron oo noqday madaxweynaha Faransiiska

Image

Ninka siyaasadiisu Dhex-dhexaadka tahay ee Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimada Faransiiska, asagoo helay ku dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay 34.5%.

39 jirkan ka guulaystay haweynayda da’da ahay ee Macron ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu da’da yaraa ee dalka Faransiiska.

Mr Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee tan iyo sanadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska.

Ninkan oo aan horay wax xil ah usoo qaban ayaa la sheegay inuu dalkaas u firi doono bog cusub oo siyaasdeed.

"Waxaan dhagaystay carada, walwalka iyo shakiga aad muujiseen qaar badan oo idinka mid ah," ayuu yiri madaxweynaha cusub.

Shanta sano ee soo socota ayuu sheegay inuu ka shaqayn doono arrimaha hormarka iyo midaynta shacabka Faransiiska.

Tan iyo Xalay waxaa caasumadda Paris kasocday fantiyo waaweyn oo lagusoo dhaweynayo Madaxweynaha Cusub.

Madax badan oo caalamka ah, oo uu ka mid yahay Trump-ka Maraykanka ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Faransiiska.

Ammaanka dalka Faransiiska ayaa aad loo adkeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM