Madaxda Carabta oo Trump uga digay Qudus

Image

Waxaa kor usii kacaya dhaleecaynta uu la kulmayo Madaxweynaha dalka Maraykankan Donald Trump, kaasoo doonaya inuu fuliyo ballanqaad uu sameeyay waqtigiisii doorashada.

Trump ayaa doonaya in safaaradda Maraykankan uu ka raro caasimadda Israel ee Talaabiib islamarkaana uu geeyo magaalada Barakaysan ee Qudus.

Qudus oo asal ahaan ay leeyihiin dadka reer Falastiin ayaa gacanta u gashay maamulka Israel dagaalkii 1967-dii ka dhacay Bariga dhexe, waxaana aaminsanyihiin inay tahay dhul ay leeyihiin. Balse Muslimiinta Falastiin ayaa quudaraynaya inay maalin uun usoo laaban doonto.

Muranka Qudus oo muddo soo jiray ayaa sare u kacay kadib markii tallaabadan uu shaaciyay inuu todobaadkan ka hadli doono Madaxweynaha Maraykanku isagoo raba inuu shaaciyo safaaradiisa la wareejiyo.

Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Carabta ah ayaa dhammaan madaxweyne Trump uga digay si toos ah wax ay u arkaan cawaaqib xummo ka dhalata tallaabadan.

Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan islamarkaana warbaahinta la hadli doono maanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM