Madaxda Muslim-ka oo diiday go'aankii Trump ee Qudus

Image

ISTANBUL, Turkey - Waxaa maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Shir ay isagu yimaadeen hogaamiyaasha dalalka Muslim-ka ah, kaasi oo looga hadlayo arinta magaalada Qudus.

Kulanka dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga caalamka [OIC], ayaa waxay hogaamiyaasha ka qeybgalaya si wadajir ah uga soo wada jeesteen go'aankii Trump ee Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

Yousef al-Othaimeen, xoghayaha OIC ayaa khudbadii uu ka jeediyay Shirka ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha wadamada Muslim-ka ah inay meel uga soo wada jeestaan difaacidda magaalada barakaysan ee Qudus.

"OIC waxay kasoo horjeedaan islamarkaana cambaareynayaan go'aanka Mareykanka, oo ah mid jebinaya shuruucda caalamiga ah, wuxuuna gardarro qaawan ku yahay Muslimiinta," ayuu yiri Yousef.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas oo isna shirka ka hadlay ayaa shaaciyay in Mareykanka uu la saftay Israeal, islamarkaana uu soo afjaray rajadii laga qabay inuu sii socda wadahadalladii Nabada gobolka.

Dhamaan 57-da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka OIC oo la aas-aasay 1969-kii ayaa waxa uu go'aan midaysan ka qaatey tallaabadii Trump ee Qudus, taasi oo ay sheegeen inay sii hurinayso colaadda Israel iyo Falastiin.

Trump ayaa lixdii bishan ku dhawaaqay in Qudus ay tahayy Caasimadda Israel, iyadoo go'aanka uu kiciyay dareenka Muslimiinta caalamka, oo sameeyay dibadbaxyo waaweyn laga soo billaabo Indonesia illaa Morocco.

Qaar kamid ah hogaamiyaasha wadamada reer galbeed oo ay kamid yihiin Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa cambaareeyay go'aanka Madaxweyne Trump ee Qudus, oo ay sheegeen inay kamid tahay dhulka Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM