Madaxda Riyadd ku kulantay oo baaq soo saaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Riyadda, Saudi Arabia- Madaxweynaha dalka Maraykanka iyo Konton kamid ah hogaamiyaasha Islaamka ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Riyadh ee xarunta waddanka Boqortooyada Saudi Arabia.

Shirkaas oo aad loogu lafo guray xiriirka dalka Islaamka iyo dunida Muslimka, ayaa lagasoo saaray baaq midaysan oo ku aadan Argagixisada.

Boqor Salmaanka Saudi Arabia, oo faah faahin ka bixinayay dhibaatada kooxaha Xagjiriinta ah ay ku hayso dunida Islaamka ayaa sheegay inay tahay arrin ay aad ugu xunyihiin, wuxuuna wacad ku maray inaysan dhowran doonin kooxo iyo shakhsiyaad dhaawacaya sharafta Islaamka.

"Dhammaanteen, Dadkoo dhan, Dalalkeena, waxaan kasoo horjeednaa luuqad kasta oo lagu dhaawacayo xiriirka ka dhaxeeya dunida Islaamka iyo dalalka saaxiibka la ah. Diinta Islaamku waa diin Naxariis mana ku xad gudubto qofna, waxaanse u midoobi doonaa inaan gacan bir ah ku qabano ku dhawaacaya,” Sidaas waxaa shirka Riyadh ka sheegay Boqor Salmaan.

Madaxweynaha Maraykanka oo lagu xasuusto hadalkii ku aadan Islaamka ee March 2016 uu ka yiri waraysi uu siiyay Telefishinka CNN ee ahaa, “Islaamku wuu necebyahay Maraykanka.” Ayaa maanta ku hadlay khudbad taas ka duwan, wuxuuna sheegay, “ Waxaan u baahanahay in waddamada Bariga dhexe iyo dunida muslimka ah u midoobaan dagaal ka dhan kooxaha Argagixisada oo dhibaatada ugu badan u gaysata Islaamka.”

Trump, oo ku gudajira booqashadiisii u horreysay ee uu ku tago dibadda isagoo madaxweyne ah, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo waddamo isbahaysi ah “kuwaasoo wadaaga hadafka ah cirib tirka xagjirnimada.”

"Tani ma ahayn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan," ayuu yiri Trump. "Tani waa dagaal u dhexeeyadambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo.

Isagoo sii hadlaya Donald Trump, wuxuu yiri, “"America waxay diyaarinaysaa inay idin garab istaagto, laaakiin waddamada Bariga dhexe yaysan ka sugin America awood lagu bur-buriyo Cadowgooda.”

Ugu dambayntii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa saxiixay heshiis is-faham  ah oo ku jiraan Golaha Iskaashiga Khaliijka kaasoo  looga hortagayo maalgelinta argagixisada.

Golahaas waxaa kamid ah waddamada ku jira; Sacuudi Carabiya, Qadar, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Cumaan iyo Baxrayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM