Madaxtooyadda Ruushka oo beenisay warar laga faafiyey Vladimir Putin

Image

MOSCOW, Russia - Madaxtooyadda Ruushka ayaa si kulul waxay u beenisay warbixinada ku saabsan in madaxweyne Vladimir Putin uu bisha Janaayo, 2021-ka isu casilayo "caafimaad daro soo wajahdey".

Dmitry Peskov, afhayeenka Kremlin-ka oo warfidiyeenka u warmay Jimcadii, ayaa wuxuu xusay in hogaamiyaha dalkiisa uu badqabo, isagoo wararkaas ku qeexay kuwa aanan macno badan lahayn.

Wargeyska The Sun ayaa wariyey in Putin ay qoyskiisa iyo jaceylkiisa Alina Kabaeva ku booriyeen shaqo ka tagid markii baareyaal ay xaqiijiyeen "in uu la noolyahay cudurka Parkinson kadib daraasad ay ku aameeyeen muuqaal muujiyey isagoo lugahiisa iyo gacmahiisa u dhaqaajinaya si aan ku talogal ahayn".

Jaraa'idkan kasoo baxa Ingiirka ayaa soo xigtay illo wareedyo uusan magacaabin kuwaasoo uu ka dhawaajiyey in ay xog-ogaal u leeyihiin dhaqdhaqaaqa Kremlin-ka iyo guud ahaan xaaladda Putin.

Sheegashooyinkan ayaa imaanaya xilli baarlamaanka Ruushka uu horyaalo sharci dhamaan madaxweyneyaashii soo maray dalkaas siinaya xasaanad ah in aan la dacweyn karin marka xafiiska faarujiyaan.

Raashiyaanka ayaa horey ugu coddeeyay afti isbedel loogu sameynayo dastuurka. Talaabadaas waxay dhabaha u xaareysaa in Putin uu mar kale u tartamo madaxtinimada coddeynta soo aadan.

Putin oo markii ugu horeysay la doortey 2000 ayaa noqdey hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa guud ahaan madaxdii soo martay Russia ama Midowgii Soofiyeeti. Tani waxay siineysaa maamuus isaga u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM