Madaxwaynaha Gambia oo qirtay in laga guulaystay

Image

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday. Wuxuu intaas ku daray in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hogaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah. 

Natiijada doorashadan ayaan dad badan ka yaabisay. Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka.

Ninkan ayaa helay 45% codadkii la dhiibtay. Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii. 

Dalkaas galbeedka Afrika kuyaalla awooda si sahlan loolama kala wareegin tan iyo markii uu xornimada helay 1965-tii.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mr Jammeh inuu geystay tacaddiyo. Wuxuu horay u sheegay inuu daweyn karo AIDS_ka iyo dhalmo la'aanta.

Xigasho: BBC


Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM