Madaxweyaha Somaliland oo magacaabey xilalka wasiiradii iscasiley

Image

Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay xubno wasiiro ah , si uu buuxiyo boosaskii wasiiradii shalay is casilay.

1. In Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista)

2. In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan)

3. In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)

4. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)

5. In Dr. Sacad Cali Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

6. In Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).

7. In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xigasho: Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM