Madaxweynaha Dalka Eritrea oo gaaray magaalada Addis Ababa

Image

Madaxweynaha Eritrea Isias Afewerki ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya markii ugu horraysay muddo ka badan 20 sano. Booqshadiisa ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xiriirka labada dal oo labaatankii sano ee la soo dhaafay aad u liitay.

Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal ayaa go'naa tan iyo wakhtigaas, waxaana sidoo kale kala irdhoobay qoysas wada dhashay ama xidid ahaa.

Xurguftii labada dal dhex martay ayaa noqotay mid gobolka ku fidday.

Tan iyo markii uu dhowr bilood xukunka qabtay ra'iisul wasaare Abiy Axmed, Itoobiya waxaa ka socday isbeddello siyaasadeed iyo kuwo milateri, wuxuuna sidoo kale isku dayayey inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay waddamada gobolka.

BBC 

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM