Madaxweynaha Falastiin oo markii Saddexaad Isbitaal la dhigay

Image

RAMALLAH — Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas ayaa axaddii la dhigay isbital ku yaalla Daanta Galbeed, sida ay sheegeen dhaqaatiirta iyo saraakiisha Falastiiniyiinta, kuwaas oo sidoo kale warar is khilaafsan ka sheegay xaaladdiisa.

Waa markii saddexaad oo Abbas, oo 82 jir ah, isbital la dhig, muddo toddobaad ka yar.

Abbas ayaa qallin yar looga sameeyey dhegta talaadadii, hase yeeshee waxa uu mar kale dib ugu laabtay isbitalka Al-Istishari ee maagalada Ramallah habeenkii sabtida, sida ay sheegtay wakaaldda wararka Falastiin ee Wafa.

Mar kale ayaa haddana loola cararay isbitalka xilli dambe oo ahayd axaddii shalay, ayada oo dhaqaatiirtana ay sheegeen inuu marayo tijaabooyin caafimaad.

Dr. Saed al-Sarahneh, oo ka tirsan isbitalka, ayaa sheegay in Abbas uu marayo tijaabooyin caafimaad kadib markii qalliin loogu sameeyey dhegta, saddex maalmood ka hor.

Si kastaba, ilo-wareedyo kale ayaa sheegay in isbitalka shalay la dhigay aysan la xiriirin qalliinka looga sameeyey dhegta, balse uu ka xanuunsanayo xabadka.

Ururka xoreynta reer Falastiin ee PLO, ee Abbas uu madaxda ka yahay, ayaa sheegay in madaxa wada-xaajoodka Falastiin, Saeb Erekat uu booqday Abbas, islamarkaana ay xaaladdiisa wanaagsan tahay.

Abbas ayaa la filayaa in maanta ama berri uu isbitalka kasoo baxo.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM