​Madaxweynaha Jubbaland oo booqasho ku jooga Imaaraadka

Image
Image

KISMAYO, Jubbaland- Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dabi ee waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo kula kulmay mas'uuliyiinta katirsan dalkaas.

Axmed Madoobe, ayaa waxaa magaalada Abu Dabi kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Imaaraadka gaar ahaan safiirka u qaabilsan dalka Somalia, Maxamed Al.Cuthman oo weheliyaan xubno kale.

Booqashada madaxweynaha Jubbaland ee dalkaas, ayaa salka ku haysa sidii madaxda Imaaraadka ugala xaajoon lahaa mashaariic ay ka wadaan deegaanada maamulkaas.

Warar warsidaha Garowe Online, ka helay saraakiil ka agdhow madaxtooyada Jubbaland, ayaa sheegaya inuu kala soo hadli doono arrimo la xiriira dhamaystirka mashaariic hormarineed oo ay kawadaan Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo sida; dib udhiska Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo , xarunta tababarka ciidamada iyo goobo waxbarasho oo dhismahoodu gabo gabo marayo.

Booqashada Axmed Madoobe ee dalkaas, ayaa timi xilli magaalada Kismayo kasocoto soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM