​Madaxweynaha Jubbaland oo booqasho ku jooga Imaaraadka

Image
Image

KISMAYO, Jubbaland- Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dabi ee waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo kula kulmay mas'uuliyiinta katirsan dalkaas.

Axmed Madoobe, ayaa waxaa magaalada Abu Dabi kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Imaaraadka gaar ahaan safiirka u qaabilsan dalka Somalia, Maxamed Al.Cuthman oo weheliyaan xubno kale.

Booqashada madaxweynaha Jubbaland ee dalkaas, ayaa salka ku haysa sidii madaxda Imaaraadka ugala xaajoon lahaa mashaariic ay ka wadaan deegaanada maamulkaas.

Warar warsidaha Garowe Online, ka helay saraakiil ka agdhow madaxtooyada Jubbaland, ayaa sheegaya inuu kala soo hadli doono arrimo la xiriira dhamaystirka mashaariic hormarineed oo ay kawadaan Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo sida; dib udhiska Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo , xarunta tababarka ciidamada iyo goobo waxbarasho oo dhismahoodu gabo gabo marayo.

Booqashada Axmed Madoobe ee dalkaas, ayaa timi xilli magaalada Kismayo kasocoto soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM