​Madaxweynaha Kenya oo gubay Foolal Maroodi iyo Wiyil

Image

NAIROBI- Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa fagaare ku yaalla magaalada Nairobi dab ku qabad siiyay, 105 tan oo Fool Maroodi ah iyo 1.35 tan oo Foolka Wiyisha ah, waxaana munaasabadda gubista kala qayb galay madaxweynayaal Afrikan ah, safiirro ka socda Qaramada Midoobay iyo hay'ado caalami ah.

Fool-maroodiga la gubay oo ah kii ugu badnaa ee la gubo ayaa u dhigma 65,000 oo maroodi, waxaana lagu qiimeeyay lacag dhan 15 Bilyan oo ah lacagta dalka Kenya.

Tallaabadan, ayaa Uhuru ku sheegay in lagu yaraynayo ugaarsiga xawayaanka iyo iibka sharci darrada ah, isagoo tilmaamay in xukuumaddiisu il gooni ah ku eegi doonto arrintan.

Xukuumaddaha gobolka iyo dhammaan beesha caalamka ayuu ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa masiibadan uu tilmaamay inay ku habsatay duur joogta, wuxuuna intaasi raaciyay in saddonkii sano ee u dambeysay hoos u dhacay tirada Maroodigii waddanka.

Foolasha Maroodiga iyo Wiyisha ayaa kamid ah meelaha lacagta ka sameeyaan dadka ugaarsada, halka dowladda Kenya dhaqaalo badan kasoo galo xayawaanka loo dalxiis tago.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo lagu eedeeyay inuu booqanayo dalal qoyskiisa dano ganacsi ka leh

Bishii hore, wiilka labaad ee Trump, Eric Trump, ayaa dhameystiray heshiis ku kacaya $5.5 bilyan oo lagu dhisayo xarun golf oo casri ah gudaha Qatar.

  • Caalamka

    13-05-2025

  • 05:03AM

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM