Madaxweynaha maamulka Somalida Ethiopia oo mushrax loo doortey

Image

JIGJIGA July 4,2015 (GO)- Kulan Talaadadii lasoo dhaafey June 30,2015 isugu yimaadeen magaalada Jigjiga xisbiga talada haya "ESPDP" ee dowlad degaanka Somalida Ethiopia (DDSI) ayaa waxa ay ku go'aamiyeen xukuumada shanta sano ee soo socota talada hayn doonto.

Xisbigaan oo ah midka ugu awooda badan ee ka jira dowlad degaanka ayaa go'aankaan waxa gaarey guddigiisa fulinta kuwasoo ka kooban 7 xubnood.

Magacyada musharaxiinta xisbigaan uaga qayb gali doonta doorashooyinka soo socda yaa kala ah;

1- Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar

2-Afhayeenka Baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

3- Hanti Dhowrka Guud ee DDSI mudane Aadan kuusow.

Halka sadexda madaxweyne ku-xigeen kala ahaan doonaa; mudane Cabdixakiin Cigaal ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI, mudane Mowliid Haayir ahna wasiirka waxbarashada, marwo Sucaad Axmed Faarax ahna wasiirka Wasaarada Beeraha DDSI.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM