Madaxweynaha Masar oo ku dhawaaqay todobaad baroor diiq ah

Image

February 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-sisi ayaa ku dhawaaqay todobaad baroordiiq ah kadib markii internetka lagu baahiyey video muujinaya dilka 21 qof oo u dhashay Masar kuwaasoo lagu laayey dalka Libya.

Dadka la diley oo ka shaqeynayey gudaha Libya dhammaantoodna ahaa Qibdiyiin haysta diinta kiristanka, waxaa labo bilood kahor  magaalada Sirte ka qafaalatey koox xagjir ah oo gacansaar dhow laleh ururka IS.

Muuqaalka internetka lagu baahiyey ayaa muujinaya la-haysteyaasha oo loo soo xirey dhar jaalle ah dabadeedna dhammaantood qudha looga jarayo meel badda agteeda ah.

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-siis oo telefishinka dalkiisa ka hadlay, wuxuu falkaas ku tilmaamey mid waxashnimo ah oo ka durugsan mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo bini aadamnimada.

Sisi ayaa sidoo kale ku hanjabey in dowladiisu  xilliga iyo sida ugu haboon ugu aargudi doonto muwaadiniinteeda Libya lagu diley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM