Madaxweynaha Nigeria oo mas'uuliyiin xilal ka qaaday

Image

Madaxweynaha dalka Nigeria, Muxammadu Buhari, ayaa sameeyay xilka qaadis ballaaran kadib markii uu shaqada ka eryay ugu yaraan 26 mas’uul oo madax ka ahaa wakaalado iyo waaxyo kale oo muhiim ah oo ka tirsantahay warbaahinta waddankaas.

Waxaa la waydiistay in ay xilka ku wareejiyaan saraakiisha ugu sarsareysa waaxaha ay ka tirsan yihiin ilaa madax cusub laga soo magacaabo. 

Waa bilowga isbadello waa weyn oo la filayo in ay saameyso boqolaal wakaaladood iyo waaxyo ka tirsan dowladda. 

Madaxweynaha ayaa waxaa saarnaa cadaadis ballaaran oo ku aadan in uu isbadeladan sameeyo, taasi oo xilalka looga qaadi doono inta badan dadkii ka ag dhawaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Goodluck Jonathan. 

Waxaa la filayaa in madaxdaasi xilka laga qaaday ay badeli doonaan xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee APC, gaar ahaan kuwa dowrka muhiimka ah ka qaatay doorashadii Madaxweyne Muxammadu Buhari. 

Magacaabista jagooyinkaas ayaa waxaa loo arkaa in ay yihiin mag dhaw ku aaddan dadkii waqtigooda iyo maalkoodaba galiyay sidii uu xisbigu talada ku qaban lahaa. Dadkii jagooyinkan horay u hayay ayaa lagu yaqaannay in ay hantida qaranka ay jeebabkooda ka buuxsadaan. Hasayeeshee markii la fiiriyo sida uusan Muxammadu Buhari ugu dulqaadanayn musuq maasuqa ayaa waxa ay xaaladda ka dhigi doontaa mid aad u adag oo howshu aanay sidii hore ahaan doonin.

GAROWEONLINE+BBC

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM